Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garowe ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu hordhac u ahaa shirka maanta ka furmaya Garowe .

Labad mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira shirkaasi iyo mad madowga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la kulmay Islaan Ciise islaan Maxamed, kadib markii xalay uu ku booqday hoygiisa.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo shirka, kaas oo ay marti galineyso Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this