Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS oo maanta ku wajahan Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya magaaladaasi.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo ka qeyb galaya shirkani ayaa haatan ku sugan magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Arrimaha laga wada hadlayo waxaa ka mid ah khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, amniga, doorashooyinka iyo qodobo kale.

Shirka waxaa marti galinaya Madaxweynaha Puntland Madane Siciid Cabdulahi Deni, kaas oo xalay kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this