Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriin Ay Soomaali Ku Jiraan Oo Lagu Qabtay Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Hay’addaha ammaanka ee dalka Turkiga waxay sheegeen inay Hawlgal ku soo qabteen iugu yaraan 550 Muhaajiriin ku sugnaa Gobalka Edrine ee Waqooyi galbeed ee dalkaasi.

MUHAAJIRIIN-LAGU-XIRAY-TURKIGA-750x430.j

Sida laga soo xigtay Ilo dhanka ammaanka ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Jendermariiga iyo kuwa ilaaladda Xuduudaha waxay qaadeen Hawlgal ay ka fuliyeen Degmooyinka Ipsala, Merik, Kesan Iyo Uzunkobru oo ka tirsan Gobalka Edrine.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolui ayaa sheegtay in Muhaajiriinta lagu soo xiray Hawlgalladaasi ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Morooko, Syria, Iraq, Iran, Pakistan, Afganistan iyo Bangaladesh.

Muhaajiriintaasi la xiray ayaa la sheegay in la qabtay, xilli ay doonayeen inay tahriib ahaan ugu sii gudbaan dalalka Europe.

Ilaa 268,000 ooTahriibayaal ah ayaa lagu qabtay Turkiga Tan iyo sannadkii 2018-kii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this