Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaari magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku biiraya wafdi uu hogaaminayo Ra’isilwasaare Kheyre iyo madaxda maamul Goboleedyada oo shalay gaaray Garoowe.

Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo madaxweyne Farmaajo ayaa ka socoto Garoowe.

Madaxda maamul Goboleeeyada dalka ayaa kulan ku yeelanaya magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar dhanka dhulka ah lagu wadaa in uu ku gaaro Garoowe.

Ugu dambeeyntii xalay waxaa Garoowe ka soconayay kulamo gooni gooni ah oo u dhaxeeyay Ra’isilwasaare Kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan Garoowe.

Puntland Post

The post Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this