Deeq A. Posted May 4, 2019 Waxaa xalay qaraxyo lagu weeraray guryo ay magaalada Bosaaso ka degan yihiin labba sarkaal oo katirsan ciidamada Puntland, kana hawlgala buuraha gal-gala. qaraxyadan oo laga maqlay inta bgadan magaalada ayaan geysan wax khasaare nafeeda hase ahaate waxay burbur xoogan u geysteen guryihii lala beegsaday. Labadan qarax ayaa dhacay xili ay dadku hurdeen, waxayna kusoo aadayaan iyadoo Dawlada puntland waayadii u danbeeyey xooga saaraysay xaqiijinta amaanka magaalada Bosaaso, waxaana magaaladaas mudo billo ah ku sugan taliyaha ciidamada booliska Puntland General Muxiyadiin Axmed Aw-Musse. Puntland post The post Qaraxyo aan khasaara nafeed geysan oo ka dhacay Bosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites