Deeq A. Posted May 3, 2019 Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Gelinkii dambe garoonka Diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Soo dhoweynta weftiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyey Weftiga Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS ayaa ka hadlay muhiimadda Shirka wadatashiga ee Puntland martigelinayso. “Waxaa maanta sharaf wayn noo ah, iyadoo maalin Jumce ah ay tahay inaan ku soo dhawayno Garoonka Gen, Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe, Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi ballaaran oo la socday, iyadoo maalinta berri ah haddii Alle ka dhigo uu ka billaaban doono shir wadatashi ah Garoowe oo ay yeelan doonaan Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS “Shirkaas oo ah wadatashi oo aan rajaynayno in looga wada hadlo waxyaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed dan u ah”. ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Share this post Link to post Share on other sites