Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudiga doorashooyinka oo war ka soo saaray sharciga muranka dhaliyey (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa ka hadashay Sharciga doorashooyinka oo Khamiistii shalay aheyd ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in doorashada Soomaaliya ay ku dhaceyso waqtigii loogu talo galay loona qorsheeyey, waxaana ay ugu baaqday Dowlad Goboleedyada inaysan muujin walwal ku aadan in Madaxda hadda joogta ay sameystaan waqti kordhin.

Siyaasiyiinta ayaa waxaa ay sheegtay inay yihiin kuwo cabsi weyn ku jirto, waxaana ay sheegtay in sharcigan uu noqon doona mid meel mara, isaga oo dhawaan la horgeyn doono Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Siyaasiyiin, qaar ka mid ah Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa si wadajir ah waxa ay uga soo horjeesteen Sharciga Doorashooyinka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Xaliimo Yarey

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-1-Gudiga-doorashada-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this