Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadaadka Caanka Ah Ee Sheekh Zakir Naik Oo Dacwad Lagu Soo Oogay.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Hindiya) Dacwad oogeyaal reer Hindiya ah ayaa wadaadka dadka wacdiya ee Zakir Naik ku soo oogay dacwado la xidhiidha lacago sharci darro ah.

AB23DB72-7A64-49FB-BB67-C8B2EB5DC978.jpe

Zakir oo dibad joog ah ayaa lagu eedeeyay in uu helay hanti sharcidarro ah oo gaadhaysa 28 milyan oo doolarka Maraykanka ah, balse eedayntaas ayuu diiday.

Masuuliyiinta Hindiya ayaa sidoo kale ku eedeeyay in uu nacayb faafiyo isla markaasna kicinayo argagixisada.

Zakir oo 53 jir ah ayaa faafiya aragtidiisa Islaamnimada ee uu ku dhagan yahay isaga oo ka sii daaya telefishinka Peace TV. Hindiya ayaa laga mamnuucay balse waxaa dunida kale ka daawada dad lagu qiyaasay 200 oo milyan oo ruux.

Peace TV ayaa laga daadihiyaa Dubai waxaana iska leh Mu’asasadda Cilmibaarista Islaamka oo ah koox uu hoggaamiyo Zakir.

Waxaa jira dalal kale oo telefishinkaas mamnuucay waxaana ka mid ah Bangladesh oo ku eedaysay in uu yahay meeshii uu ka shidaal qaatay mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee weerarka ku qaaday makhaayadda Dhaka ku taalla 2016, halkaas oo ay ku dhinteen 22 ruux.

Xafiiska ED ee dalka Hindiya oo baaritaan ku sameeya dambiyada maaliyadeed, ayaa dacwad ka dhan ah Zakir geeyay maxkamad ku taalla Mumbai Khamiistii.

Xafiiskaas ayaa maxkamadda u sheegay in uu ogaaday hanti malaayiin doolar gaaraysa oo dariiq sharci darro ah maray.

“Khudbadaha Zakir ee kicinta leh ayaa dhallinyaro badan oo Muslimiinta Hindiya ka mid ah ku qaaday in ay weerarro argagixiso oo qaab daran qaadaan” ayuu maxkamadda u sheegay xafiiskaas dacwadda soo gudbiyay ee ED.

Xafiiska ayaa ku eedeeyay in uu isticmaalay lacago laga helay “ilo shaki ku jiro” uuna ku gatay Hanti dalka Hindiya ku taalla, isla markaasna uu ku maalgaliyay “khudbado daandaansi ah”

Zaik ayaa sheegay in uu lacagahaas ku helay si sharci ah.

Waa kum Zakir Naik?

Qaabka adadag ee Zakir uu u adeegsado diinta ayuu wakhti dheer muran ka taagnaa.

Dad badaan oo al-Qaacida taacabsan oo la xiray ayaa saraakiisha u sheegay in uu saamayn badan ku lahaa.

In uu dalka Britain galo ayaa laga mamnuucay sannadkii 2010, waxayna ku sababeeyeen “dabcigiisa aan la aqbali karin” iyo khudbadahiisa, sida ay wakhtigaas sheegtay wasiiraddii arrimaha gudaha oo hadda ah Ra’iisulwasaare Theresa May.

Si kastaba ha ahaatee waxay indhaha caalamku qabteen bishii Luulyo ee sannadkii 2016 ka dib weerarkii darnaa ee lagu qaaday makhaayadda Holey Artisan ee magaalada Dhaka.

Warbaahinta Bangladesh ayaa sheegtay in mid ka mid ah ragga weerarkaas gaystay uu ka shidaal qaatay khudbadihiisii. Qaybihii dambe ee isla bishaasna Bangladesh waxay mamnuucday Peace TV.

Bishii Nofeembar ee sannadkii 2016 hay’adda argagixiso la dagaalanka ayaa cabasho rasmi ah ka gudbisay Zakir, iyada oo ku eedaysay in uu faafinayo nacayb diimeed iyo hawlo aan sharciga waafaqsanayn.

Zakir ayaa Malaysia u wareegay 2017.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this