Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay Oo Baaq U Dirtay Dhinacyada Ku Dagaalamaya Dalka Suuriya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Suuriya) Qaramada Midoobey ayaa ka codsatay dhammaan dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suuriya iyo dalalka ku lugta leh arrimaha Suuriya in aysan wax weerar ah ku qaadan xaafadaha ay dadka degan yihiin,xarumaha caafimaadka iyo Iskuulada, xilli dagaallo hor leh ay kasoo cusboonaadeen waqooy galbeed dalkaas.

961B8C87-5026-429C-AD84-590B2B83B217.jpe

Isagoo la hadlayay Radio lugo badan u qaabilsanaha arrimaha banii’aadanimada Qaramada Midoobay ee dalka Suuriya Panos Moumtzis, ayaa BBC u sheegay in madaaficda iyo diyaaradaha dagaalka ay duqeymo ka geysanayeen goobaha ay ku xooggan yihiin mucaaradka gaar ahaan gobollada Idlib iyo Xums, halkaas oo ay ka dhaceen dagaalladii ugu darnaa.

Goobaha ay hadda dagaallada dib ugu qarxeen waxay kamid yihiin deeganno sannadkii lasoo dhaafay ,Ruushka iyo Turkiga ay ku heshiiyeen in aanu wax howlgal ah laga fulin.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ku dhawaad 140,000 qof ay ka qaxeen deeganadaasi saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this