Deeq A. Posted May 3, 2019 Garoowe SMN):–Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed lafta gareen iyo Xuno Katirsan Maamulkiisa ayaa Maanta safar ku Tagey Magaalada Garowe ee Xarunta Dowlad-Goboleedka Puntland. Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi ee Gen Maxamed Abshir Muuse Hamaan waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Siciid Cabdulaahi deni, Kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash iyo Masuuliyiin kale oo kamid ah Golayaasha Maamulka Puntland. Markii ay Galeen Qeybta VIP-da ee Garoonka, Majirin Hadal ay siiyeen Saxaafadda Balse ujeedka Safarka Lafta Gareen ayaa ku qotoma ka qaybgalka Shirweyne 5ta Bishan Lagu Wado in uu ka Furmo Magaaladaasi, waxaana Shirkaasi oo looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Sidoo kale Ka qaybgalaya Madaxda ugu Sareysa Dalka Sida Madaxweyne Farmaajo Reysalwasaaraha Xukuumadda Kheyre iyo madaxda Kale ee Maamul Goboleedyadda. Warar aan helayno waxa ay sheegayaan Saacadaha Soo aadan in Garoowe ay gaari doonan Rey’salwasaraha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Galmudug Iyo Hirshabelle. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyaha Jubalanad ayaa iyaguna lagu wadaa in ay u ambabaxaan bari Magaaladasi si ay uga qaybgalaan Shirka Inkastoo aan laga hor dhici Karin ajandayaasha shirkaasi ayaa hadana Arimaha ugu waa weyn ee diirada lagu sarayo waxa weeye sidii xal loogu heli lahaa Jahwareerka Siyaasadeed ee Maamul Goboleedyadda iyo Dowladda Dhexe View the full article Share this post Link to post Share on other sites