Deeq A. Posted May 3, 2019 Golweyn (SMN):– Gudoomiyaha deeganka Golweyn ee gobolka shabellaha hoose Maxamed Shiikh Cusmaan (Islaawe) oo lahadlay Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay isku soo bax raab doon ah oo ay shacabka deegaankaasi Maanta ka dhigeen halkaasi. Gudoomiye Islaawe ayaa Tilmaamay in Alle Barigaasi ay ka qeyb qaadanayaan Boqolaal Shacab ah, kuwaas oo Raxmanka ka baryaya in uu ka dul faydo Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Deegaanka iyo Guud ahaan Dalka. Sidoo kale Culumadii ku sugnaa Isku soobaxa Roobdoonta ah ayaa u duceeyay Bulshada, waxaa ayna ku wacdiyeen in ay badiyaan alle ka cabsiga si looga gudbo dhibaatooyinka jira. Inta badan Deeganada Gobolka Shabellaha Hoose waxa ka jira Abaaro saameeyay dadka iyo Duunyadda, iyadoo Shacabka Gobolkaasi kunool ay Nolashoodu ku tiirsanayd awalba Beeraha iyo Xoolaha Nool. Sidoo kale Gobolka Shabellaha Hoose 10kii sano ee ugu Danbeeyay waxaa la dagey Colaado u dhaxeeya qabaa’iladda iyo kuwo hada ka dhax aloosan Alshabaab iyo Ciidamadda Dowladda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites