Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal kooxda Al-Shabab muhiim u ahaa oo u gacan galay hay’ada NISA (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay sarkaal muhiim ah oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab.

Sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay, Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay Madaxii qaadista Lacagaha degmada Janaae iyo deegaanada ku dhow dhow, waxaana sarkaalkaasi la qabtay kadib howlgal laga sameeyay degmada Janaale.

Sarkaalka la qabtay ayaa Al Shabaab u qaadayay Canshuuraha deegaanka, iyadoo la qabtay xili uu arimahaasi ku howlanaa, waxaana NISA ay sheegtay in hadda baaritaano ay ku socdaan sarkaalkaasi.

“Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe AS ah oo shacabka ka qaadi jiray lacag baad ah. Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha AS”Al Shabaab” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

NISA ma aysan shaacin magaca sarkaalka la qabtay, waxaana sidaan oo kale marar badan aysan shaacin magaca ama macluumaad kale oo la xiriira saraakiisha ay qabtaan ciidamada amaanka.

Hay’adda NISA todobaadyadii la soo dhaafay ay holwgallo ka fulineysay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Gobolka Banaadir, waxaana horey loosoo bandhigay hub badan oo baaritaanada lagu qabtay.

Dhinaca Al Shabaab ayaa sheegay inay weeraro culus la eegteen ciidamada dowladda Soomaaliya ee maalmahaan howlgalada ka waday gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this