Sign in to follow this  
Deeq A.

Alshabaab iyo Ciidamadda Dowladda oo Madaafiic isku garacaya iyo Barakac kasocda Bariire.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariire (SMN):–Wararka ka imaanaya Deegaanka Bariire ee G/sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka qaxayan dadka Shacabka ah, xili uu kasocdo dagaal goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda oo Bariire la wareegay iyo Xarakadda Alshabaab.

Xalay goor danbe Magaaladasi waxaa laga maqlayey Madaafiic culculus oo ay is weydaarsanayeen  Ciidamada iyo Alshabaab.

Mid kamid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dadku ay ka cararayaan Deegaanka sababo amni Darteed.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Alshabaab kala Wareegay Deegaanka Bariire oo kamid ah meelaha muhiimka ah ee ay mudada dheer Maamulayeen Alshabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this