Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Wadaaddo dowladda taageera oo la wareegay shaqadii wasiirka diinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimadda Online ayaa ogaatay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu hoos u dhigay awoodda Wasiirka Wasaaradda arimaha Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya kadib markii laga ag sameeyay koox culumo ah oo shaqadiisa qabata.

Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Soomow iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa gacanta loo geliyay maamulka Arrimaha Xejka iyo sidoo kale kala saaridda shirkadaha u tartamaya ka shaqaynta Xejka.

Xubno ku dhow Wasiirka Arimaha Diinta ayaa Caasimada Online u sheegay in Raysal Wasaare Kheyre uu u keenay magacyada xubnahaan iyo kuwa kale, waxaana wasiirka loo sheegay in uu ku dhawaaqo Xubnahaan.

Wasiirka Arimaha Diinta ayaa la filayaa inuu soo saaro magacyada guddigaan oo shaqada qaban doono balse waxaa la sheegayaa in laga Cabsi qabo in sanadkii 2aad dood iyo muran galo Xejka.

Sidoo kale sanadkaan ayaa laga cabsi qabaa in qarashka Xejka laga kordhiyo sida sanadkii hore oo aheyd ku dhowaad 4 kun oo doolar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this