Deeq A.

Badhasaabkii AWDAL oo firxad ku jooga Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ay weheliyaan xubno qoyskiisa ah ayaa hebeen saddexaad guure kaga soo baxay Magaalada Boorama, kadib markii uu maqlay dilka loo geystay laba sarkaal oo ciidanka Qaranka ka tirsan ee kasoo jeeday Awdal, kuwaas oo ay dablay hubaysin ku disshay Degeeno ku dhow degmada Yagoori.

Badhasaabka Awdal oo isagu kasoo jeeda deeganada lagu laayey labadaa sarkaal ayaa la sheegay in ay  sababaha uu uga soo boqoolay ay tahay cabsi soo wajahday, waxaana ka sheegay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa ilaa haddda .

Siyaasi Cabdinaasi Buuni oo ka hadlay arrintaasi ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn , waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan: “Waxa ayaan darro ah Badhasaabkii gobolka Awdal markuu maqlay dhac-dadaasi foosha xun  ee dhacday inuu isaguna gobolkii kasoo anba baxo waa su’aal is weydiin leh waa su’aal masuuliyad daradeeda leh , ayuu matelayey Qaran ayuu matelayey, Qaran ayey u dhinteen ragga la laayey isna qaran ayuu matelayaa gobol Somaliland ah oo kamid ah goboladii ugu Taariikhda wanaagsanayd ayuu Badhasaab nasiib wanaagiisa ka ahaa waxa la gudboonay inuu bulshadii iyo ehelkii laga tegay ee soo yaacay markii ay maqleen waalidadoodii in lagu laayeye cid ladaasi Bariga Taliyayaashii intuu soo abaabuluu soo qaaduu gawaadhi kusoo kaxeeyo Madaxweynihii Qaranka u muukeeni oo muu odhanin waa kan dadkii eheladii ee Madaxweyne ka tacsiyadee , gobolkii kumuu noqon oo bulshadii iyo fariin umuudirin ilayn waa xidhiidhiyihii Dowladii iyo gobolkii , halkan ayuu ku soo nastay oo uu yimi , waxaasi masuuliyad mahaa Madaxweyne .”

Dhanka kalene Siyaasi Buuni ayaa tusaale usoo qaatay sidii ay Dowladii hore u mareeyeen mashaqooyin kala duwan oo dhacay,isagoo sidoo kalene soo qaatay dhac-dii gobolka Awdal iyo Ex Badhasaab Ramaax “Waxa lagu yaqanaa Madaxweyne Xukuumaddii kaa horeeyey oo Xukuumaddii Riyaale ay kamid ahayd dhac-dooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay wadada sidii Dowlad-nimada lahayd ee ay Dowladuna uga waajibaad qaadatay , shacbiguna ay u hoggaansameen , dhacdo taas lamid ah ayaa jirtay oo badhasaabkii Awda Ramaax lagu soo weeraray gurigiisii lagu dilay laba askari iyadoo maydkoodu yaalo ayuu subaxnumadii shaqo tegay .”

Geesta Kalene Siyaasi Cabdinaasi Buuni ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu xilka ka qaado Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali , isagoo ku eedeeyey inuu dayacay masuuliyadii uu Qaranka u yahay “Waxaanu Madaxweyneha leenahay ninka masuuliyda daradaa sameeyey talaabo deg deg ah ayaa Madaxeeyne lagaaga baahan-yahay in aad ka qaado maanta Masuulka gobolka Awdal kuu matalayey ee ahayd adiga iyo shacbigaa inuu biriishkii isku kiin xidhayey ahaa ee nabad gelyada ka turjumayey ee astaanta Qaranka ahaa inuu halkan kusoo nasto saddex cisho ka hor markii uu dhac-dada maqlay, taasi masuuliyada maaha .”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Badhasaabku wuxuu ogyahay inaysan waxba ka jirin saraakiisha la laayay qaran bay ka dhinteen oo ay qabiil ka dhinteen.

Xaq buu u leeyahay inuu naftiisa u baqo.

Waa dhaqan soomaali sargaal la dilay in badhasaab looga gam'o.

Snm ayagoo jufooyinkoodii qabiil ku qancin waayay, bay qabiilo kale qaran baad tihiin furinta hore ku gaynayaan

Allaha u naxariisto intii dhimatay fitnada haka ducaysteen.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta waa Ramadan oo hada I am taking a break from posting on this website. laakin waxa halkan lagu soo qoray waa sheeko caruureed. 

badhasaab ku security buuxda ayu leeyahay, cid uu ka baqanayaana ma jirto. 

Waxaan filaayay in dad badan oo halkan beenta faafinjiray Tukaraq ku cibro qaateen, laakin wali waxaad mooda in ay casharo kale u hadhsanyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.