Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo ka hortimid xeerka lagu sheegay kan doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa si cad u diidday, xeerka lagu sheegay kan doorashooyinka dalka  oo ay maanta meel-mariyeen golaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay, wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in Puntland ay si cad uga horjeeddo, ansixinta xeerka doorashooyinka dalka  ay meel-mariyeen golaha xukuumadda Soomaaliya, maadaama sida ay Puntland sheegtay aan laga heshiin.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka waxaa lagu caddeeyay in Puntland ka soo horjeeddo , diyaarinta iyo wax ka beddelka xeerka batroolka dalka oo xukuumadda Federaalka wax ka beddel ku samaysay iyadoo aan laga wada-tashan , sida ay Puntland sheegtay.

Dowladda Puntland ayaa uga digtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay isku gaar yeesho, talada iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka, sida  geeddi-socodka iyo dhammaystirka Dastuurka, hannaanka xasilinta iyo amniga dalka, qeybsiga awoodaha& khayraadka iyo habka doorashooyinka.

Puntland waxay sheegtay in haddii aan qodobadaasi la tix-gelin ay ka dhalan doonto, kala fogaansho iyo khilaaf keeni kara dib u dhac ku yimaada dhammaystirka geeddi-socodka dhismaha dowlad Federaal ah oo la isla ogolyahay.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka

DIKREETO.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo ka hortimid xeerka lagu sheegay kan doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this