Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: 4 sabab oo horseeday is-casilaadii Daahir Geelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya sababihii keenay Iscasilaadda Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle waxaana Caasimada Online ay ogaatay in Iscasilaadda Wasiir Geelle ay sababeen 4 qodob oo waa wayn taas oo sababtay in Wasiirka shaqada ka tago.

Caasimada Online ayaa ogaatay khilaafka Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu soo jiitamayay muddo dhowr bilood ah islamarkaana ay ugu adkeyd maalmihii ugu dambeeyay.

Qodobada ugu waa wayn ee sababay Iscasilaadda Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu soo koobay qodobada kala ah.

  1. Muran ka dhashay talo soo jeedin uu shirka Golaha Wasiirada ka dhax sheegay Daahir Maxamuud Geelle, taas oo ay aheyd in Weerarka iyo Collaadinta laga joojiyo Maamul Gobaleedyada Soomaaliya dowladana ay dhawaysato tabashadoodana la dhameeyo.
  2. In caburinta iyo go’doominta laga qaado Siyaasiinta Mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliya lana siiyo fursad ay ku qabsadaan shirar maadaama dalka uu qaatay nidmaanka Axzaabta. Sidoo kale Geelle ayaa dalbaday in talooyinka doorashada ku saabsan laga qayb geliyo Xisbiyada iyo Maamul Gobaleedyada balse waxaa ka dhashay doodo kulul arintaasi.
  3. Amar ka soo baxay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo lagu faray Wasiir Geelle inuu xilka ka qaado Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure kadib Markii Idaacaddiisa ay baahisay war aan sax aheyn Wasiir Geelle-ne uu diidanaa amarkaas uu ku tilmaamay mid aan sax aheyn. Wasiirka ayaa qabay aragti aheyd in Abwaan Guure uu iska wareejiyay Maamulka Idaacadda qaladna ay tahay in Xilka looga qaado war ay baahisay Idaacad uusan maamul ka aheyn balse lagu amray inuu fuliyo shaqadaasi.
  4. Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ayaa u arkay inuu galay qalad wayn hadii lagu amray Xil ka qaadista Abwaan Guure wax kalane ay imaan doonaan sidaas darteedna uusan sugin amar kale oo qalad ah ama uusan jecleysan.

Sheekh Daahir Maxamuud Geelle oo ah Siyaasi aqoonyahaan ah ayaa la sheegay inuu yahay qunyar socod aan la jaan qaadi karin hogaanka Dowladda Soomaaliya ee maanta talada haaya islamarkaana ay ahayd wax la sii ogaa in uu mar uun iska casili doono hadii aan xilka laga qaadin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this