Sign in to follow this  
Deeq A.

Sharcigii maanta la ansixiyey oo waddada u furay in madaxweyne Farmaajo xilka kororsado (Muxuu dhigayaa?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal dheer kaga hadlay Sharciga doorashooyinka qaranka oo golaha wasiirada ay meel mariyeen isaga oo soo bandhigay waxa sharciga ku qoran.

Wuxuu sheegay in qodobada qaar ee ku jira sharcigaasi ay si cad u sheegayaan Shakiga ah in dib u dhac ku imaanayo doorashada soo socota, waxaana uu madaxda dalka u sheegay in looga baahan inay si cad u dalbadaan waqti kordhin, iyadoo aysan meelo kale soo marin.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa Sidan:-

Qodobka 56aad ee sharciga doorashooyinka ee la sheegay in maanta Xukuumadu ansixiyey wuxuu ka hadlayaa Dib-u dhaca doorashooyinka, waxaana lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddada loo kordhiyo, haddii ay doorashadu qabsoomi waydo. Qodobku wuxuu dhigayaa

“Haddii ay suurtagali weydo doorashooyinka guud ee xubnaha baarlamaanka dalku in ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, xubnaha Baarlamaanka xilka haya ayaa sii haynaya xilka Sharci-dajinta inta duruufahaas adag laga gudbaayo doorashaduna ka qabsoomayso, duruufaha adagna waxaa ka mid noqon kara in aanay doorashadu farsamo ahaan qabsoomi karin.”

“Sidaa awgeed marka duruufaha adag dhacaan, Guddiga Doorashooyinku waxaa ay la tashanayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah oo uu ugu horeeyo Madaxweynuhu waxaayna Baarlamaanka u gudbinayaan qoraal xambaarsan duruufaha adag iyo asbaabta kelliftay in doorashooyinka dib loo dhigo.”

Waa sii wadeenoo waxay dhaheen

“Intaas ka dib, Guddiga Doorashooyinku waxaa uu ku dhawaaqayaa in ay doorashadii dib u dhacday, Muddada cusub ee doorashooyinka baaqday ku dhici karaan, waxaa cayimaya Guddiga kadib marka uu qiimayn ku sameeyo xaaladda iyo muddada duruuftaas lagaga bixi karo”

Waxaaba ka sii daran Madaxweynihiina in loo kodhiyey muddadii oo wuxuu qodobku leeyahay

“Haddaba, Muddada xil-haynta ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku waxa ay la kordhaysaa muddada cusub ee Goleyaasha Sharci-dejinta maaddaama ay doorashadu xilligeedii ku qabsoomi wayday.”

Oo sharcigii doorashooyinka oo intaa oo muddo ah loo fadhiyey ma in muddo kordhin (extension) loo sameeyo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ayuu ku soo dhamaaday.

Oo waxaas oo dhib ah iyadoon la marin “War ha na loo kordhiyo maa iska tiraahdaan”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this