Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha Haweenka Puntland oo Garoowe ku soo xirmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirweynaha wada-tashiga, jihaynta qorshayaasha iyo baahiyaha Haweenka Puntland oo mudda afar maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa maanta soo xirmay.

Shirkan oo ay qaban-qaabisay wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland, ayaa waxa ka soo qeyb galay  in ka badan 200 oo haween ah, kuwaasoo  ka kooban xubno ka tirsan Haweenka Puntland ku metela Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kuwa ka tirsan golayaasha dowladda Puntland, wasiiradii hore ee wasaaradda Haweenka Puntland, Haween ka socday sagaalka gobol ee Puntland, Haweenka dhaqaatiirta ah, kuwa ganacsatada ah, qareennada,  beeraleyda iyo xoola-dhaqatada.

Wasiirka horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland, Aamino Cismaan Xaaji jaamac oo ka hadlaysay xiritaanka shirkan, ayaa sheegtay in mudadii uu shirku socday si weyn looga hadlay caqabadaha kala duwan ee haysta Haweenka, ka hortagga tacaddiyada loo geysto iyo ilaalinta xuquuqdooda , gaar ahaanna Haweenka ku nool degaannada fog-fog iyo dhulka miyiga ah.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegtay in nuxurka shirka ka soo baxay uu sal u noqon doono, jihaynta qorshah shanta sano ee wasaaradda Haweenka Puntland iyo dhammaan qorshayaasha hay’adaha kale ee dowladda eek u shaqo leh arrimaha Haweenka.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo shirka soo xiray ayaa dhankiisa xaqiijiyay in xukuumaddu ay sidooda u dhaqan-gelin doonto qodobada ka soo baxay shirkan, isagoo ballan-qaaday in uu shirka golaha wasiirada horgeyn doono, si loogu rogo go’aan xukuumadeed.

Ugu dambeyntii, shirka ayaa waxa ka soo baxay baaq ku jihaysan kordhinta doorka Haweenka ee dhinacyada  siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo ka hortagga tacaddiyada loo geyso Haweenka.

Halkaan ka daawo baaqa oo Caasho Geelle Diiriye akhrinayso

16.jpg?w=1000&ssl=1
13.jpg?w=1000&ssl=1 14.jpg?w=1000&ssl=1 17.jpg?w=1000&ssl=1 12.jpg?w=1000&ssl=1 211.jpg?w=1000&ssl=1 221.jpg?w=1000&ssl=1 15.jpg?w=1000&ssl=1 18.jpg?w=1000&ssl=1 19.jpg?w=1000&ssl=1 20.jpg?w=1000&ssl=1 21.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shirweynaha Haweenka Puntland oo Garoowe ku soo xirmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this