Sign in to follow this  
Deeq A.

Maalinta Midowga Yurub oo laga xusay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Munaasabad lagu maamuusayay Aas Saskii Midowga Yurub ayaa maanta waxa ay ka dhacday xarunta Xalane oo dhinaca ku heysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir, madax ka tirsan Midowga Yurub diblumaansiyiin iyo xubno ka socday dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa ka qeyb galay xafladdaasi dabaal daga ah.

Ugu horreyn khudbad dheer oo ka hadlaysay waxqabadka Midowga Yurub Soomaaliya ee dhinacyada arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo amniga waxaa goobta ka jeediyay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah madaxa arrimaha siyaasada iyo saxaafadda ee Ururka Midowga Yurub, wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan taageeradooda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay munaasabaddani ayaa ugu Hambalyeeyay mas’uuliyiinta iyo xubnaha Kale ee Midowga Yurub maalintii ugu horeysay oo ay midoobeen dalalkaasi.

Dhanka kale mar ay su’aallo ka weydiisay Idaacadda Shabelle Wasiir Cawad waxqabadka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in Ururkani uu taageero xoogan siiyo dowladda federaalka ah ee Soomaliya.

Midowga Yurub  ayaa Soomaaliya ka fuliya mashaariicyo dhowr ah oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this