Deeq A. Posted May 2, 2019 Bariire (SMN) – Ugu Yaraan 2 qof ayaa ku geeriyootay oo la sheegay in ay ahaayeen Darawal iyo Caawiyihiisii oo la socday Gaari Nuuca Homey-da loo yaqaanno ah oo uu haleelay Qarax Miino oo dhigay qiyaastii deegaan 1 Km u jira deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada DFS ay kala wareegeen Dagaalamayaasha Al Shabaab. Gaariga Qaraxu haleelay oo ku soo jeeday Magaalada muqdisho ayaa la sheegay in Khudrad uu ka soo qaaday deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada DFS oo haatan maamulaya gacan ku heynta deegaanka Bariire ee saacadihii la soo dhaafaay ay la wareegeen ayaa iyaguna lagu soo warramayaa in howlgallo xoogan ka wadaan halkaasi. Lama soo warin illaa iyo iminka cid lagu soo qab qabtay howlgalladaasi oo saraakiishu sheegeen in ay ku baadi goobayaan xubno ay ku sheegeen haraadiga Al Shabaab ee deegaankaasi sida ay hadalka u dhigeen saraakiil ka tirsan Ciidamada DFS ee la wareegay deegaankaas oo shabelle ay la xiriirtay. Xaaladda deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa degan iyadoona si tartiib tartiib ay u soo noqonayaan dhaqdhaqaaqyadii deegaankaasi kadib markii shalay ay isaga barakaceen shacabkii degenaa halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites