Sign in to follow this  
Deeq A.

M/Yurub oo tababar siiyay saraakiil ka tirsan dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – 12 tababariyaal ah oo laga soo xulay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa la siiyay tababar lagu kobcinayo aqoontooda iyo xirfadahooda kaasoo uu siinayo Ururka Midowga Yurub.

Koorsadan oo loogu magic daray layli tababariyaasha islamarkaana socoatay 14 Isbuuc ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Isniintii lasoo dhaafay xerada Jeneraal Daghadaban ee magaaladda Muqdisho.

Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dedaallada dib u dhiska iyo taayeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Tababarka waxaa kamid ahaa hogaaminta, xeeladaha militeriga, xakameynta xaaladaha degdega iyo dhowrida arrimaha xuquuqda aadanaha, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa tan iyo 2010 tababar siinayay ciidamada dowladda Soomaaliya, oo hadda isku diyaarinaya in dhawaan ay mas’uuliyadda amniga dalka kala wareegaan AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this