Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo sheegrtay in cunno yari ay ka jirto Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad gaaraya 1.7 milyan oo qof ay cunto yari iyo xaalad degdeg ah gudaha dalka Soomaaliya marka la gaaro bisha Juun ee sanadkan aynu ku jirno.

Stephane Dujarric,afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa arbacadii shalay aheyd sheegay in sanadkii labaad oo xiriira aanu Soomaaliya ka da’in roob taasina ay sababtay in ay xoolo fara badan dhintaan sidoo kalena uu hoos u dhaco wax soo saarka dalagga beeraha.

Sarkaalkan u hadlayay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay kordheen tirada caruurta la ildaran nafaqa-darrada kaasoo uu sheegay in ay gaareen 954,000 oo caruur ah.

Stephane ayaa intaa ku daray in kooxda gargaarka ee Qaramada Midoobay ay isu diyaarinayaan sidii looga jawaabi lahaa abaarahan ku soo wajahan Soomaaliya isaga intaasi ku daray in ugu horeyn ay cunto gaarsiin doonaan meelaha ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ugu danbeynna Afhayeenka  ayaa sheegay in qorshaha haatan ee ahaa in Soomaaliya loo raadiyo lacag dhan 1.08 Bilyan oo dollarka Mareykanka ah laga helay saami gaaraya 19% taasi oo sababtay meelaha qaar biyo lagu gaarsiiyo lagana fuliyo howlo nadaafadda iyo fayo-dhowrka la xiriira.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this