Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Israa’iil Oo Maanta Weeraray Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaza)-Israa’iil ayaa maanta sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay xalay weerareen dhisme millatari oo kooxda Xamas ay ku leedahay Marinka Gaza kadib markii buufinno sida bambooyin gacmo ku sameys ah looga soo weeraray.

FCA2168F-C6B3-4C78-99AA-9833B195182B_w10

Kadib weerarkaas, ayaa ciidammada Israa’iil waxay sheegeen in laba gantaal looga soo tuuray Marinka Gaza, kuwaas oo qal-qal ka abuuray koonfurta Israel.

Illaa hadda lama yaqaan halka ay gantaaladaas ku dhaceen iyo inay khasaare sababeen.

Ilo-wareedyo amni ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in duqeymaha Israel ay ku dhaceen dhisme garabka hubeysan ee kooxda Xamas ku leeyihiin ay waqooyiga Gaza.

Wararka ayaa sheegaya inuusan jirin wax khasaare nafeed ah, balse uu burbur gaadhay dhismaha.

Dhacdooyibnkii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayada oo Israel iyo Xamas ay 9-kii April gaareen xabad joojin ay dhex-dhexaadiyeen Masar iyo QM, taasi oo dib usoo celisay degenaanshihii.

Israel iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa waxaa tan iyo sanadii 2008 dhex-maray saddex dagaal oo waa weyn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this