Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Somaliland oo diiday xaaladda deg deg ah ee Muuse Biixi geliyay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Golayaasha  Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan  aan caadi ahayn wadajir ah ka yeeshay go’aankii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu xaaladda deg deg ah ku geliyay degmooyinka Gar-adag Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo shir-guddoominayay kulanka ayaa mudanayaasha ka codsaday in ay cod u qaadan xeerka madaxweynuhu  soo saaray ee xaaladda deg deg ah ku geliyay degmooyinka ka tirsan gobolka Sanaag.

Intaasi kadib 107 mudane oo fadhiga soo xaadiray ayaa cod gacan-taag ah u qaaday ansixinta xeerka xaaladdda deg deg ah waxaana ogolaaday 40 xildhibaan oo keliya halka aqlabiyadii kale diideen balse guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in tirinta codadka la qalday isagoo dalbaday in mar kale dib loogu noqdo.

Xildhibaannada ayaa dhankooda diiday in dib loogu celiyo codaynta xeerka iyadoo fadhiga uu isu rogay buuq iyo sawaxan ha yeeshee guddoomiye Baashe ayaa ku dhawaaqay in kulanku xiranyahay oo mar kale maalinta Sabtida la isu imaan doono.

xildhibaannada ayaa si adag u diiday

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa bogaadiyay go’aanka Baarlamanka oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo “shacbiga iyo sharcidda loogu hiilliyay”.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Somaliland oo diiday xaaladda deg deg ah ee Muuse Biixi geliyay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this