Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ay ku lug leeyihiin ciidanka Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka dhacay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur (Caasimada Online) – Ciidamada daacadda u ah Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo u xiran dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa dagaal culus uu ku dhe-maray qeybo ka mid ah gobolka Bakool.

Ciidamada daacadda u ah Roobow oo loo yaqaan Caaro Caaro ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay xaafadda Abay oo qiyaastii 18km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Xudur.
Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo khasaraaha ka dashay dagaalka labada dhinaca.

Ciidamada daacadda u ah Roobow ayaa ku urursan agagaarka magaalada Xudur, waxaana weli la hir-gelin qorshe la doonayey in loogu biiriyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Heshiiska ay ugu biirayaan ciidamada dowladda ayaa qeyb ka ahaa kii dhex-maray dowladda iyo Roobow markii Mukhtaar uu isku soo dhiibay dowladda, hase yeeshee qorshahaas ayaa iminka u muuqda inuu fashilmay.

Ciidamada taageersan Roobow ayaa la rumeysan yahay inay dib uga dideen dowladda wixii ka dambeeyey markii ay xiratay hogaamiyahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this