Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal sare oo Al-Shabab u qaabilsanaa qaraxayada oo isku soo dhiibay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Axmed Cadow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka, Gaar ahaan Kuwa Ka howlgala Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gedo, sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda.

Yuusuf oo xiriira kale duwan la soo sameeyay Sarakiisha Ciidanka, iyadoona ay suuro gashay saakay in uu soo gaaro oo uu iska soo dhiibay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Magaalada Garbahaarey.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland eek u sugan gobolka Gedo waxa ay soo bandhigeen ilaa 4 Ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab balse dowladda isku soo dhiibay.

Xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa sii kordhaya. Shalay ayaa sidoo kale waxaa degmada Doolow ee gobolka Gedo isku soo dhiibay labo xubnood oo ka mid ah Ururka Al-Shabaab.

Labadaas nin ayaa ka tirsanaa qeybta Jabhadaha ee Al-Shabaab, waxaana raggan ay wateen laba qori oo A-K47 ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this