Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howlgalo ka wada Shabeelaha Hoose iyo Al Shabaab oo ka hadlay weerarkii Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo culus wali ka wada gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dagaalo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidamada dowladda ay ka dhaceen gobolka.

Ciidamada dowladda ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanada Bariire iyo Sabiib ayaa weeraro iyo cadaadis joogto ah kala kulmay ururka Al Shabaab, waxaana Al Shabaab ay ka hadleen la wareegista deegaanka Bariire.

Al Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen baraha ay wararka ku faafiyaan waxay ku sheegeen inay wali gacanta ku hayaan deegaanka Bariire ee gobolka SHabeelaha Hoose, iyaga oo beeniyay in lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay arkayeen ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa DANAB, kuwaasi oo shalay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa waxay howlgalada ka wadaan deegaanada gobolka Shabeelada Hoose ee hoostaga Bariire iyo Sabiid, waxaana ay doonayaan inay Al Shabaab ay ka saaraan deegaanada ay kasoo qaadaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda.

Sananadkii 2017 ayaa Ciidamada Dowladda Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire,hayeeshee dhowr bil kadib ay Ciidamada isaga baxeen,waxaana intaasi wixii ka dambeeyey gacanta ku hayey Ururka Al-Shabaab.

Al shabaab ayaa dhankooda sheegay inay howlgalo ay kula dagaalamayaan ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this