Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo u aarguday Alexander Conrad oo Al Shabaab ku dileen Baar Sanguuni

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Mareykanka ayaa shaaciyay inay u aargudeen askari ka tirsanaa ciidamadooda kaga sugan Soomaaliya oo horey Al Shabaab ay ku dileen Jubbada Hoose, kadib weerar ka dhacay Deegaanka Baar Sanguuni.

Afhayeenka  Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM  ayaa sheegay inay dileen Dagaalame ka tirsanaa Alshabaab, kaasi oo qeyb ka ahaa Dagaalamayaal Alshabaab oo sannadkii hore weerar Hoobiyayaal ku qaaday Askar Maraykan ah oo ku sugnayd Deegaanka Baar Sanguuni.

Kolonel Chris Karns oo la hadlay Wargeyska Military Times ayaa sheegay in ruuxa ay dileen lagu magavaabo C/llaahi  Jibiyow, kaasi oo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa duqeyntii Hoobiyaha ee bishii June sanadkii 2018 ka dhacday Jubbada Hoose.

Askariga  Maraykan ee ku dhintay weerarka ka dhacay deegaana Baarsanguuni ayaa lagu magacaabi jirey Saddex Alifle Alexander Conrad, iyadoo 4 kalena lagu dhaawacay weerarkii Jubbada Hoose.

Afhayeenka AFRICOM waxa uu tilmaamay in Duqeyn diyaaradeed oo ay geysteen bishii la soo dhaafay ee April 19-dii ku dileen 2 Dagalaamayaal Alshabaab, oo mid ka mid ahaa C/llaahi Jibiyow oo madax ka ahaa Dagaalamayaal weeraro badan oo Hoobiyayaal ah ka geystay Gobalka J/Hoose.

Askariga Maraykanka ee lagu dilay duqeyntii sannadkii hore ka dhacday Deegaanka Baar Sanguuni ee Alexander Conrad, ayaa ka tirsanaa ciidamada Mareykanka tan iyo sannadkii 2010-kii, isla markaana uu ahaa  Soo-ururiyaha xogaha Sirdoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this