Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo sheegay in ay isku soo dhiibeen Askar ka soo goostay DFS.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaareey ( Sh. M. Network):-illaa 10 askari oo kasoo goostay degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey ayaa iyagoo hubkooda wata isku dhiibay maamulka deegaanka  Ceelcadde ayaa lagu sheegay War Qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internetka ku leeyihiin Al Shabaab.

Maxamuud Maxamed Ibraahim, Aadan Axmed Jilacoow iyo Isxaaq Aadan Ibraahim ayaa kasoo goostay saldhigga ciidamada dowladda ee degmada Garbahaarey halka 7 kale ay ka goosteen dhanka degmada Baardheere waxaana dhammaantood lagu soo bandhigay xarunta maamulka Al Shabaab ee  Gedo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay DFS oo ku aadan Askartaan la sheegay in ay isku dhiibeen Xarakada Al Shabaab.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this