Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xaalad deg deg ah ku soo rogtay Gobolka Sanaag.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceerigaabo ( SMN)Taliyaha Booliska Soomaaliland ayaa awaamiir siiyay Ciidamada fulinaya xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay deegaanno hoostaga Gobolka Sanaag.

Sareeye Gaas Cabdullaahi Fadal Iimaan Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa Warbaahinta la wadaagay awaamiir ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas oo xaalad deg deg ah loogu soo rogayo deegaanada Gobolka Sanaag.

Meelaha ay saameyneyso xaaladani deg deg ah ayaa waxaa ka jira colaad beeleedyo ka dhex aloosan Beelo walaalo ah oo Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa 2 Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada maamulka Soomaaliland waxaa lagu dilay deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag sababo la xiriira aanooyin qabiil.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this