Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaaso: Ciidan gadooday oo qabsaday xarunta Bankiga dhexe ee dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamo-gadoodsan.jpg?w=1000&ssl=1Sawir hore ee ciidamada Puntland oo gadooday

Cutubyo ka tirsan ciidanka Birmad dowladda Puntland oo ka cabanayaa mushahar la’aan, ayaa saaka mudda kooban la wareegay xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qof kamid ah shacabka magaalada, ayaa warbaahinta Puntland Post  u sheegay in ciidanka halkaasi qabsaday ay rasaas xooggan ridayeen, taasina ay hakisay isu’socodkii dadweynaha ee nawaaxiga Bankiga dhexe, islamarkaana ay khal-khal iyo jaah-wareer ku abuurtay shacabka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Markii hore waxaan moodnay dagaal laba dhinac u dhexeeya, dad badan ayaana guryahooda ku cararay. Xataa anigu shaqo ayaan u socday markii rasaastu bilaabatay dib ayaan guriga ugu cararray, runtii khal-khal bay na geliyeen weliba isu’ socodkii gaadiidka baa xirmay” ayuu yiri qof goob-jooge ah.

Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan ciidanka gadooday, ayaa isna warbaahinta Puntland Post u sheegay in ay dib uga baxeen xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo ay mudda kooban haysteen , kadib markii taliyahooda oo goobta tegay uu u ballan-qaaday, in ay mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan si dhakhso ah u heli doonaan.

Dee waxaan u sheegnay in mushaharka iyo xuquuqda naga maqan nala siiyo, haddii kale aanan fasaxayn shaqada Bankiga, isaguna waa noo ballan-qaaday in aan xaqayaga heli doono sida ugu dhakhsaha badan, markaas baan ka baxnay xarunta Bankiga” ayuu yiri sarkaalka.

Xaaladda ayaa hadda ku soo laabatay si caadiya, kadib markii ciidanka lagu qanciyay in ay heli doonaan mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan, ayna banneeyeen xarunta Bankiga dhexe ee dowladdu ku leedahay magaalada Boosaaso.

Tan iyo markii la doortay madaxweyna Puntland Siciid Cabdullaahi deni ,waa markii labaad oo ay gadoodaan ciidamada Puntland iyadoo horay u gadoodeen ciidankii joogay tuulada Galgala  laakiin kolkii dambe lagu qanciyay in ay xuquuqdooda heli doonaan.

PUNTLAND POST

The post Boosaaso: Ciidan gadooday oo qabsaday xarunta Bankiga dhexe ee dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this