Sign in to follow this  
Deeq A.

“Ganacsatada u tagta Al Shabaab haddii ay kusoo laabtaan Jowhar ayaan ciqaab adag marsiineynaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa amar kasoo saaray ganacsatada deegaanada Hirshabeelle ee u dacwad taga deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xubnaha ganacsatada ayaa la sheegay inay u dacwad tagaan ururka AL Shabaab, taasi ayaana keentay in maamulka gobolka SHabeelaha Dhexe uu kasoo saaro amarkaasi.

Guddoomiyaha Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa amarkaasi kusoo rogay shacabka gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana uu sheegay in ganacsatada marka ay kasoo laabtaan Al Shabaab inay xukumi doonaan.

Ciidamada Amniga ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayuu amar ku siiyay in ay qab qabtaan Ganacsatada la shaqeysata Al-shabaab ama xiriirka la wadaagta sida uu hadalka u dhigay.

Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Ganacsadihii aada Al-shabaab uusan ka soo noqon iyagana la joogo, haddii uu soo laabtana uu maaamulka Gobolka tallaabo ka qaadayo.

Al Shabaab ayaa u kala garqaada ganacsatada iyo xubnaha dacwadaha isku qabta ee kusugan deegaanada ay dowladda Soomaaliya maamusho.

Arrintan ayaa imaneysa iyada oo Al-shabaab Maxkamad ay leeyihiin ku taallo degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe taas oo 50KM dhinaca galbeed uga beegan Jowhar badanaana halkaas tagaan dadka isku qabsada dhulalka sida beeraha iyo guryaha.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this