Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ku qarsoon xaaladda deg deg ah ee Muuse Biixi ku soo rogay gobolka Sanaag?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalin ka hor madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay degmooyinka Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-afweyn oo dhammaantood ka tirsan gobolka Sanaag.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay in mudda saddex bilood ah xaalad deg deg ah lagu soo rogay degmooyinkaasi kadib falal amni-darro oo ku soo noq-noqday.

Mudada saddexda bilood ah waxaa halkaasi ka shaqeyn doona  amarka ciidamada oo keliya  waxaana  la faray in ay qaadaan  tallaabo kasta oo lagu sugayo amniga degmoooyinkaas.

Go’aanka Muuse Biixi wuxuu ku soo beegmay kadib markii malayshiya-beeleed hubaysan ay dil u geysteen laba sarkaal oo ka tirsan Booliiska iyo Asluubta Somaliland taasina ma ahan mid gobolka Sanaag ku cusub oo hore waxaa hab qabiil loogu dilay saraakiil sar sare oo ciidamada ah.

Sidoo kale gobolka hore waxaa uga dhacay dagaal beeleedyo lagu hoobtay oo in mudda ah ka socday balse dagaalkii ugu dambeeyay ayaa sida la sheegay waxa ku dhintay in ka badan 80 ruux iyadoo Muuse Biixi xilka hayo mana jirin xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay xilligaasi.

Haddaba maxaa wakhtigaan keenay in xukuumadda Muuse Biixi xaalad deg deg ah ku soo rogto degmooyina kor ku xusan?

Dadka la socda xiyaasadda Muuse Biixi ee ku wajahan gobolka Sanaag oo aan su’aashaasi hor-dhignay ayaa isku raacay in laba qodob ay sal u yihiin go’aanka Muuse Biixi uu xaaladda deg dega ku geliyay degmooyinkaasi.

1: Wixii ka dambeeyay safarkii Muuse Biixi iyo Siciid Deni ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa socday qorshe jabhadda Caarre ee fadhigeedu yahay magaalada Qardho ay si dhuumaalaysi ah xarumo ciidan uga samaysanaysay buurta lagu magacaabo “Hal-dhaadan” oo qiyaastii 30 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Ceerigaabo si haddii ay Puntland kala kulmaan go’aan lama filaan ah ay halkaasi ugu wareegan.

Dhulka buuraleyda ah ee “Hal-dhaadan” waa meel istiraatiijiya oo ay adagtahay in laga saaro haddii jabhadda Caarre ay ku xoogaysato taasi oo ay sii dheertahay in dhulkaasi ay beeshiisu degto oo aan lagula dagaallami Karin.

Inkastoo aan hadda si hubaal ah loo ogayn inta ay le’egyihiin ciidamada buurta galay ee ka tirsan jabhadda Caarre haddana  arrintaasi waxay cabsi iyo khal-khal ku beertay maamulka Muuse Biixi oo dareemay in gudaha loogu jiro.

Waxaa sii dheer kacdoonka beelaha halkaasi dega oo aaminsan in Muuse Biixi uga shubtay doorashadii ka dhacday Somaliland taasi oo haddii dagaal qarxo shidaal ku sii dhidaysa sidaasi darted madaxweyne Biixi wuxuu ku qancay in uu xaalad deg deg ah soo rogo inta uu jabhaddaasi meel iska saarayo.

2: Qodobka labaad ee Muuse ku kallifay xaaladda deg deg ah waa dilkii labada sarkaal oo isna kiciyay carada shacabka ku nool gobolka Awdal gaar ahaanna magaalada Boorame maadaama hab qabiil loo dilay saraakiil dowladeed haddana aan la qaban ciddii ka dambaysay dilkaasi.

Mr Biixi ayaa doonaya in uu shacabka magaalada Boorame ku indha-sarcaadiyo hawlgalka uu ka bilaabay gobolka Sanaag ee looga hortagayo khatarta Caarre isagoo  shacabka degmadaasi iyo guud ahaan gobolka Awdal u tusaya in koxodii dilka geysatay lagu raad-joogo.

Dhinaca kale go’aanka Muuse Biixi ayaa u muuqda mid taageero u abuuraya jabhadda Caarre maadaama haddii shacabka la cadaadiyo ay suurta-gel tahay in dad kale oo horleh ku biiraan jabhadda oo ay halkaasi cudud dheeriya ka hesho.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ku qarsoon xaaladda deg deg ah ee Muuse Biixi ku soo rogay gobolka Sanaag? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this