Sign in to follow this  
Deeq A.

Qodobada looga hadlay shirkii todobaadlaha ee golaha wasiirada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
xukuumada-Puntland.jpg?w=1000&ssl=1Golaha wasiirada Puntland oo shiraya 1 May 2019 Garoowe

Shirkii golaha wasiirada Puntland ee todobaadlaha oo gelinkii dambe ee shalay ka qabsoomay caasimadda Garoowe, ayaa looga hadlay dhowr qodob oo kala ah: amniga, safarkii madaxweynaha ee dalka dibaddiisa, waxqabadkii xukuumadda ee todobaadkan iyo arrima kale.

Madaxweynaha Puntland oo golaha warbixin ka siiyay safarkiisi dibadda,  ayaa si faahfaahsan uga hadlay  arrima u soo qabsoomay safarkiisa, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkaasi.

Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Maaliyadda, Kalluumeysiga, iyo Duulista hawada, Amniga iyo Warfaafinta ayaa iyagana shirka looga dhegaystay warbixinno la xiriira shaqooyinkooda .

Sidoo kale, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa golaha xukuumadda amray in si dhammaystiran ugu diyaar-garoban shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo Garoowe lagu qabanayo.

Halkaan ka akhriso

SHIRKI-GOLAH.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Qodobada looga hadlay shirkii todobaadlaha ee golaha wasiirada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this