Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo hanajbaad culus u jeedisay dadka ku nool gobolka Waqooyi Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadeyso dadweynaha xiriirka la leh Al-shabaabka dagaallada iyo afduubka ka geysta Gobolka Soomaalida.

Maxamuud Biriq oo ah madaxa amniga Gobolka Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in dadka shaqsiyaadka ama kooxaha taageerada farsamo u fidiya ay wajihi doonaan awoodda sharciga Kenya.

Maxamud waxaa uu sheegay in dhawaan Ciidamada oo Roondo ka sameynayay Keynta Boonu ay gacanta ku dhigeen 20 caagadaha Jiirigaannada ah oo Cunto laga buuxiyay kuwaas oo dhulka lagu qariyay.

Biriq ayaa sheegay in jirigaannada ay ku jireen Saliid, Sokor, Bariis, Digir iyo cuntooyin kale,kuwaas oo uu sheegay in shaqsiyaad degaanka ah ay u qarinayeen AL-shabaab.

Waxaa uu maamullada degaanka u sheegay in ay yihiin Indhaha dowladda,waxaana uu ka dalbaday in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Maxamuud ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay ka faa’ideystaan xilli roobaadka oo ay fursad u helaan in dhul ballaaran ay ku lugeeyaan maaddaama Ciidamada dowladda aysan gaari karinwaddooyinka qaar ee burbursan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this