Deeq A. Posted May 2, 2019 Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hadlay dilkii loo geystay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland. Mustafe Shiine ayaa Madaxweyne Biixi ku dhaliilay inuu xilka ka qaadi waayey Mas’uuliyiin uu sheegay inay ku fashilmeen sugidii Amniga, Isagoona ku tilmaamay xaalada deg-dega ah ee Muuse Biixi kusoo rogay deegaano katirsan Gobolka Sanaag, inay tahay mid indho-sarcaad ah oo ujeedo kale laga leeyahay. Mustafe Shiine ayaa sidoo kale wuxuu Muuse Biixi ugu baaqay inuu iska casilo xilka uu qaranka u hayo, isagoona ka dhawaajiyey inuu xilkii ku cuslaaday oo wadankiina uu galiyey xaalada adag oo halis ah, wuxuuna yiri: “Madaxweynuhu halkii uu amar bixin lahaa, isla markaana uu xilka ka qaadi lahaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyihii booliska, iyo cidii nabad-gelyadu khuseysay, maadama oo labadan Sarkaal muddo shan cisho ku dhow soo cabanayeen oo ay lahaayen waa nala dilaya ee la ogaa loona gurman waayey, halkii ragaana xilka laga qaadi lahaa, kuwii dileyna amar lagu bixin lahaa oo lasoo xidhi lahaa, ayuu wuxuu aayar iska yidhi bandow baan galinayna gobolka Sanaag, taasi oo aan u arko arrin indho-sarcaad loogu dhigayo eheladii Marxuumka iyo dadka guud ahaan reer Somaliland” “Labadaa nin ee la dilay anigu waxan u arkaa inay dileen dad daalimiin ah oo ka xaq-daran, laakiin waxan arkaya haddana dowladii iyo Madaxweynihii qaranka ee dayacay labadan nin amaankoodii intay noolaayen, inuu hadana uu rabo inuu nagu maaweeliyo bandow ban soo rogay iyo orod, halkii ay aheyd inuu talaabooyin qaado oo maantaba xilka uu ka dajiyo ragan dayacay ee ay u soo sheegen in la dilaayo”. “Markaa intii wax loo qaban lahaa intay noolaayen markii la dilayna, intay toos u abaari laheyd raggii dayacay ayaa qab-qab la doonaya iyo war-saxafadeedyo lasoo saaro oo gobol baa bandow la galiyay la yidhaahdo, iyada oo aan la eegayn waxa ka imanaya” Wuxuuna intaas kusii daray “Marka bandowga la galinayo waa xaalad nabad-galyo oo caam ah ama musiibo caama ay dhacdo, midna ma dhicin, dadka waxbaa laga qaban karaa, dadka wax dilay waa in lasoo qab-qabtaa, kuwa kale ee reeraha ah ee deegaanka wada dagan waa in talaabo adag laga qaada oo xukuumiya, looma baahna in lala wareego maamulka gobolka oo la yidhaahdo maayirka iyo badhasaabka waxa xilkoodi wadaya Taliyayaal, oo xukunka la rabo in dad loogu dhuunto, oo la xidh-xidho laguna tacadiyo, markaa wax ka weyn baa ii muuqda aniga, aan aheyn labada nin ee la dilay”. “Madaxweynaha waxaad mooda in xilkii qaranku ku cuslaaday, kursigii uu ku fadhiyayna uu ku balaadhay, waxaan odhan lahaa ha iska casilo xilka uu qaranka u hayo, ma wadi karayo hadey sidaa tahay, dalkiina halis buu maanta ku jiraa, inuu baaba’o”. Mustafe Shiine ayaa wuxuu ugu dambeyntii sheegay in Bandowga Madaxweyne Biixi ku soo rogey deegaanada katirsan gobolka Sanaag, in looga dan-leeyahay cabudhinta taageerayaasha xisbiga Waddani, wuxuuna yiri: “Malaha himika mucaaridada culus ee ka timid xisbiga Waddani baa la leeyahay taageeradiisa Gobolka Sanaag ku badan oo la doonaya in loo mar-marsiyoodo, talaabooyinka Waddani ku dhawaaqayo in aan la qaadin ayaa laga hortagayaa oo Militeri loo isticmaalaya”. “Madaxweyne Muuse Biixi waxaan u sheegayaa ciidanku wuxuu awood leeyahay intay cadaalad jirto, Hadii askariga taangiga uu wataa Madaxweynihiisu cadaalad darro sameynayo oo dulmi iyo kibir falayo, waxba tari maayo taangigaasi, waxa ku filan qoriga uu sito inanka u dagaalamaya xuquuqdiisa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites