Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ay Horyaalaan Laba Go’aan Oo Adag Inuu Qaato, Kuwaasi Oo Sahli Kara Inuu Isku Badbaadiyo, Kagana Baxo Xaaladda Adag Ee Soo Waajahday (Maxay Yihiin?”.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ay Horyaalaan Laba Go’aan Oo Adag Inuu Qaato, Kuwaasi Oo Sahli  Kara Inuu Isku Badbaadiyo, Kagana Baxo Xaaladda Adag Ee Soo Waajahday (Maxay Yihiin?”.

kaahin.jpg

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa horyaala labad daran mid uun inuu qaato kuwaasi uu kaga gudbi karo caqabadaha Amni iyo inuu dalka ku soo dabaalo Xaalad deganaanshiyo ah.

Madaxweyne Biixi ayaa ka fiirsanaya inuu labaddan go’aan ee horyaala uu mid uun qaato kuwaasi oo ka dhashay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay. Madaxweyne Biixi ayaa war horyaala 1- Inuu Xilka ka Qaado Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Iyo Inuu waayo Kalsoonidii  Reer Awdal ay Ku Qabeen Dawladdiisa.

Labadan go’aan waa kuwo si gaar ah isha loogu hayo inuu ku ciiro saaxiibkiisii ay muddada dheer soo wada shaqaynayeen, Kursigan uu ku fadhiyo Muuse Biixi-na nafhur badan usoo galay iyo inuu isku diyaariyo buuq aamin daro oo kaga yimaada Shacbiyadda Gobolka Awdal. Arintan ayaa salka ku haysa oo ka dhalatay laba Sarkaal oo kasoo jeed Gobolka Awdal oo si foolxun ay maleeshiyo beeleed ugu dileen Degmadda Gar-Adag iyo Ceel Afweyne, dadkaasi oo ay ehel dhaw yihiin Wasiir Maxamed Kaahin. Sidoo kale Wasiir Maxamed kaahin ayaa aad loo saluugsan yahay doorkiisii masuuliyadeed uu ee saraakiishaasi ku bad baadin lahaa maadaama oo ay muddo saddex cisho ah kasoo gar gaar dalbayeen, waxaanay qabaan reer Awdal inuu Wasiirku door shariif ah ku leeyahay foolxumada dhacday, iyagoo eedayn u soo jeediyay Wasiirka.

Dad badan ayaa aaminsan inuu Muuse Dawladdiisa ku badbaadin karo inuu Xilka ka qaado Maxamed kaahin si uu uga fakado kalsooni daro kaga timaada Dadyawga Gobolka Awdal oo isku xidhay inuu Muuse Biixi kala doorto inuu go’aan cad oo uu ku bogsiinayo arintan dhacday ku talaabsado iyo inay Reer Awdal go’aan ka qaataan Guud ahaa Qadiyadda Somaliland sida ay Warbaahinta ka sheegeen. Waxay reerkaasi hore u tabanayeen arimo door ah oo Magaca Somaliland kaga yimid oo ay samir ku badesheen, taasi oo ay saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta lasoo fadhiisteen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this