Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Dhabaa In Badhasaabkii Gobolka Awdal Saqdii Dhexe Ee Habeen Hore Tikniko Lagaga Soo Guureeyay Boorama?, Dhaawac Noocee Ah Ayayse Arintaasi Dawladnimadda Ku Keenaysaa?.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ma Dhabaa In Badhasaabkii Gobolka Awdal Saqdii Dhexe Ee Habeen Hore Tikniko Lagaga Soo Guureeyay Boorama?, Dhaawac Noocee Ah Ayayse Arintaasi Dawladnimadda Ku Keenaysaa?.

badhasaab-300x110.jpg

Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa noo xaqiijiyay in Habeen hore saqdii dhexe gaadiid Tikniko ah lagaga soo guureeyey Badhasaabkii Gobolkaasi Cabdi Shaqaabe.

Arintan ayaa la ogaaday, islamarkaana soo shaac baxday kadib markii ay Shalay Warbaahinta Gobolkaasi ka hawlgashaa tagtay Xafiiska Gobolka Awdal si ay u soo xaqiijiyaan jiritaanka warkaasi, kadib markii uu Badhasaabku dadka telefoonka kala hadla uu u sheegayay inuu ku sugan yahay Boorama oo aanu dhanna uga bixin, waxaanay soo ogaadeen in Badhasaabkii iyo dadkii ehelkiisa ahaa ee halkaasi kula sugnaa in Habeen hore saqdii dhexe gaadiid tikniko ah guuri lagaga soo saaray Boorama.

Arintan ayaa sida wararku ay sheegayaan ka dhalatay kadib markii laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo kasoo jeeda Gobolkaasi dil foolxun Doraad loogu gaystay Degmooyinka Gar-Adag iyo Ceel-Afweyn, islamarkaana ay dilkaasi fuliyeen maleeshiyo hubaysan oo ay isku hayb yihiin Badhasaabka Gobolkaasi Cabdi Shaqaabe, arintaasina ay saamayn kuyeelatay Amniga Badhasaabka, sidaana ay Xukuumaddu guure ugaga soo saartay Boorama.

Haddaba waxay la isweydiinayaa, saamayn noocee ah ayay Talabadani ku yeelanaysaa Geedi socodkii iyo hanaankii horusocod ee Dawladnimada Somaliland. Waa markii ugu horaysay ee ay arin noocan oo kale ah ka dhacdo Somaliland intii ay jirtay.

Dhinaca kale dad Hargeysa ku arkay badhasaabka ayaa shabakadda Wararka ee Caroog u xaqiijiyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this