Deeq A. Posted May 2, 2019 Somaliland Muuse Waa Kaa! Waxaan canbaareynayaa, Xadhiga Xaqdarrada ah ee Damiirxumadda ah, ee loo gaystey Hooyooyinka Danyarta ah, ee caruurtoodda Magafe ku haysto Liibiya, waa wax laga yaqyaqsooddo, Gefkaa loo geystey hooyooyinkaa, wax soo moodey in Madaxweyne Muuse uu ka caawiyo Cabashadooda, Waxaa ku fileyd oo keli ah Hooyo waxba idiinma qaban karno. Caqligii iyo Garashadii meeday? waxaan canbaareynayaa Xadhiga Gudoomiyaha Dhalinyardda Xisbiga qaranka ee Waddani DHAMME, oo ah sarkaal Xasaanadd leh, oo Dembi looga Dhigayo aragtitaadda facebook aad ku qortey , Madaxweynaha ayaa ka Xanaaqey, Taloow Muuse ma Ogyahay in Dastuurka uu madaxweynaha ku yahay u baneeyey XORRIYADDA HADALKA Fadlan Sharafta Jamhuuridda barakeysan ee Somaliland ha ku cayaarina, waa la ogyahay inaan Shacabku aqbali karin KELITALIYE iyo CAR-JUUQ-DHEH. Waxaan Canbaareynayaa Xaaladda Degdegga ah ee la doonaayo in Gobalka Sanaag la Saaro, waa dhacdo ugub ah, muddo 30 sanno ku dhow oo Somaliland jirtey ma dhicin,waa sax in cadaaladda la hor keeno ciddii ka danbeysay dilkii labadda Sarkaal ee ciidanka Qarranka, tacsina waxaan u dirayaa ehelkee iyo qaraabaddii iyo qarranka somaliland. Laakiin fashilka sugidda amaankoodda waxaa leh cidda xilka u haysa qarranka. marxuumiintu allah ha u naxariistee waxay dalbaneey ciidaan xoojin ah, dheg jalaq looma siin. in markaa fashilka xukuumadda ummad dhan Xaalad Degdega loo Geliyaa waa xaaraan. Waxaan canbaareynayaa xadhiga cabudhinta, jidhdilka loo geysto, Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland, Xadhiga COLDOON waa sheeko Facebook oo muuse Ka xanaaqey Distoorka ayaa u baneeyey qofkasta oo Somaliland Xarriyadda HADDALKA, Waxaa yaab leh, in Xukuumadda Madaxweyne Muuse ay mashquul ku tahay Facebook, iyo maxaa la iga sheegay. Madaxweyne Muuse biixi, wuu ku fashilmey Taladda Dalka, Muuse ma aha Madaxweyne Qarran oo Aragti Fog leh. waa Hogaamiye Kooxeed, Muuse waxuu ku fashilmey hooyooyinkaa u soo caowdey ee la xidhxidhaayo, waa Ogtihiin talaabadduu qaadda waa fashil ceeb iyo fadeexad. Doorashooyinka waa ku fashilmey ma qaban karro,Dalkii xaaladd degdeg ah ayuu geliyey oon hore u dhicin GUUSHA madaxweynaha, qabyaaladd iyo kala qabinta shacabka somaliland, Hanti boob, Dhulka Ina xassan Dalab, SIXIR BARAR, Biyo la’aan jirta Xarrun Boqortooyo ka dhiso Xaafaddiina Xarraf, Xadhig, Cabudhin, Xaaladd Degdeg ah waddanka geli, Dadka qaar ku sheeg waa argagixiso, waa Somaliweyn, waxyaabaas iyo kuwa ka sii liita ayuu Madaxweynuhu GUUL u arkaa. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites