Sign in to follow this  
Deeq A.

Barcelona oo u awood sheegatay Liverpool

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Barcelona ayaa lug lagashay kama dambeynta (final-ka) tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga.

Barcelona ayaa cashar lama ilaawaan ah gagideeda Camp Nou ugu dhigtay kooxda Liverpool, kadib markii ay 3-0 ugu awood sheegatay kulankii lugta hore ee afar dhamaadka tartankan, iyadoo Lionel Messi-na uu wacdaro dhigay.

FB_IMG_15567503257675446.jpg?w=1000&ssl=Luis Suarez

Luis Suarez ayaa goolka furitaanka qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay kooxdiisa Barcelona, halka Lionel Messi uu laba gool raaciyay qeybtii dambe, waxayna ahayd markii ugu horeysay oo Messi gool ka dhaliyo Liverpool.

FB_IMG_15567502073836511.jpg?w=1000&ssl=Lionel Messi

Sidoo kale Messi ayaa kulankan gaaray goolkiisii 600 ee heerka kooxaha, wuxuuna barbareeyay Cristiano Ronaldo oo dhawaan gaaray.

Kooxda Liverpool ayaa sameysay isku dayo dhowr ah oo qaarkood goolal loo filan karay, balse ma dhicin in ay soo taabato shabaqa Barcelona.

Barcelona oo rajo weyn ka qabta in ay u soo baxdo kama dambeynta tartankan, ayaa kulanka dambe tagi doonta gagida Anfield, inkastoo Liverpool ay rajadeedu aad u liidato, hadana wax walba waa dhici karaan.

Labadan kooxood ayaa kulanka dambe ciyaari doona todobaadka dambe maalinta Tallaadada 7-da bishan May 2019.

PUNTLAND POST

The post Barcelona oo u awood sheegatay Liverpool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this