Deeq A. Posted May 1, 2019 Sidda dadka caadiga ah oo kale , Dawladuhuna waxay leeyihiin labba gacmood , labadaas gacmood oo kala ah gacan qabow iyo gacan kulul . Gacanta kulul ee dawladnimo waxaa laggu tilmaamaa adeegsigga cudud ciidan , xayiraad dhaqaale iyo muquunin awoodeed , hassa yeeshee gacanta qabow ee dawladnimo waxa weeyaan ,adeegsigga xirib siyaasadeeed , farsamooyin aqooneed iyo horumarin bulsho . Xaaladda Gobolka Sanaag . Denbiyadda iyo aqoonta ku saabsan marka lagga hadlayo , waxaa jirra qaaciidooyin xisaabeed oo la isticmaalo , kuwaasoo laggu soo saaro heerka uu marayo denbigu iyo helista xalka ku haboon . Qaacidada koowaad , Tiradda denbiyadda dhacay ayaa loo qaybiyaa tiradda dadwaynaha , ka dibna waxaa laggu sameeyaa is barbar dhig . Dhinaca kale , helista sababaha keenaya denbigu waxay kusoo baxdaa , daarasadaynta iyo falanqaynta denbiyadda dhaca iyadoo lagga eegayo . – Dhinaca Deegaanka , -Bulshadda , – Dhaqaalaha , iyo Caafimaadka . Hadaba hadii aynu xalaadan Sanaag usoo noqono , sababaha keenaya korodhka denbiyaddu waxay soo gelyaan qodobadan aynu soo sheegnay oo dhan . Sanaag Deegaan ahaan waa degaan dib uga dhacsan wadanka intiisa kale , Dhaqaaluhu wuu liitaaa , Bulshadda heerkeeda aqooneed iyo tacliimeed ma horimarsana , Caafimaad ahaana , waxaa ku batay Goboladda Barri oo dhan oo Sanaagna ku jirto Mukhaadaraadka kala duwan . Sidaa markay tahay , Gobolka Sanaag wuxuu u baahan yahay in Dawladdu u adeegsato gacanteeda qabow ee dawladnimo ( Soft Power) , sidaa awgeedna aanay adeegsan gacanteeda adag ee dawladnimo ( Hard power) . Si arrintaas loo xaqiijiyana waxaa muhiima . 1- In la dejiyo Istaajiyadda dawladeed ee gacanta qabow ee dawladadeed oo isugu jirta waqtiga dhaw iyo waqtiga dheer . 2- In la xoojiyo horumarinta haayadaha Nabadgelyadda Gobolka , sidda Booliska , Sirdoonka , Jeelasha iyo Garsoorkana , madaxda hogaaminaysaana ay noqdaan kuwo aan gebe ahaanba u dhalanin gobolkaas . 3- In la xoojiyo maamulka dawliga ah ee goboladaas , dib u dhiskiisa iyo horumarintiisana loo xilsaaro xubno ka tirsan goleyaasha oo muddo halkaas fadhiista . 4- Galaangalka bulshadda , turxaansaarista iyo isu soo dhawaynta qabaa’ilka . 5- iyo isticmaalka wacyi gelinta bulshadda haday noqoto dhinaca Miidiyaha , Culimadda, shir-hawleedyadda iyo abaabulka bulshadda . 6- La dagaalanka mukhaadaraadka iyo maandooriyaha . 7- Ugu danbayn hadii la doonayo xakamaynta denbiyadda iyo yarayntooda ,waxaa lagama maarmaan ah in Dhaqaalaha iyo aqoonta deegaanaddaa kor loo soo qaado , horumarkana loo adeegsado la dagaalanka denbiyadda , maxaa yeelay denbiyaddu waxay ku bataan aduunka oo dhan meelaha dib u dhacay . W/Q: Ahmed Nour Guruje Source Share this post Link to post Share on other sites