Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xukunka Deg Deg Ah Ee Gobolka Sanaag Waxaan U Arkaa Arrin Aan Cadaaladda Iyo Sharciga Midna Ku Qotomin “Cabdillaaji Jamaac

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa) Cabdillaaji Jaamac oo kamid ah Haldoorka iyo ganacsatada Somaliland ayaa tilmaamay in aanay cadaaladda iyo sharciga midna ku haboonayn xaalada deg dega ah ee Madaxweyne Muuse Biixi ku soo rogay Gobolka Sanaag. Sidaana wuxuu ku Sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga kaas oo u dhignaa sidan .

C923474B-4DDB-4F46-9DDC-B45BAC692898.jpe

COLLECTIVE PUNISHMENT

In qofkii Dembi galay la soo qabto wixii ku caddaada ee uu mutaystana Sharciga hortiisa lagaga gooyo waa KOW.
in Ciddii xumaanta taageeraysa ama Gacan siinaysa ama si uun uga qayb qaadanaysa laga horjoogsado sida ugu munaasibsan iyana waa LABA.


Laakiin in Gobol iyo Degmooyin idil oo cid waliba (Sheikh iyo Shariif) ku nooshahay la yidhaahdo waxa lagu soo rogay Xukun Milatery ( MARTIAL LAW ) waxaan u arkaa arrin aan Cadaalad iyo Sharci midna ku qotomin, waa arrin u muuqan kara Ciqaab Wadareed ama COLLECTIVE PUNISHMENT, العقاب الجماعي kaas oo Xaaraan ku ah Sharciga Islaamka iyo Qaanuunka Caalamiga ah labadaba.

Waar ha laga fiirsado wax aynu maqalnay uun oo aynaan cidhibtooda dambe mahadin doonin

Abdulahi Jama

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this