Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Guddoomiyaha gobolka Awdal oo ka cararay Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xog ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in Guddoomiyihii gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, uu maanta si dhuumasho ah uga baxay caasimada gobolkii uu ka talinayay.
Guddoomiyaha ayaa waxa soo food-saartay cabsi balaadhan, kadib markii bulshada reer Awdal ay ka gadoodeen dil loo geystay Saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland oo deegaan ahaan ka soo jeeday Gobolka Awdal.
Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Shaqaale ka tirsan Xafiiska Maamulka Gobolka Awdal, Guddoomiyaha ayaa saaka aroortii si dhuumasha ah uga baxay magaalada Boorama, isagoo u baqoolay caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa.
Saaka ayaa waxa magaalada Boorama ka bilaabmay mudaharaado balaadhan oo looga soo hor-jeedo dilkii gobolka Sanaag loogu geystay Saraakiil katirsan Ciidanka Somaliland oo kasoo jeeday deegaan ahaan Gobolka Awdal.
Guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa waxa uu ka soo jeeda deegaan ahaan bariga Burco, kaasi oo saaka door-bidey inuu ka cararo gobolkii uu ka talinayay, intii uu wax ka qaban lahaa tabashooyinka iyo mudahaarada gil-gilay magaalada Borama.
Xaalada amni ee magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal ayaa hadda ah mid degan, inkastoo laga cabsi qabo inay ka dhacaan falal amni daro.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this