Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoraalka Iyo hadalka Muuse Biixi ku xidhay gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee Xisbiga Waddani…. Akhriso

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamedsidiiq Dhame ayaa ka hadlay xaalada deg dega ah ee madaxweyne Muuse Biixi ku soo rogay sadex degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Gudoomiye Dhame ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray shalay ayaa ugu baaqay shacabka gobolaka Sanaag inay ka horyimaadaan amarka madaxweynaha, waxaanu Muuse Biixi u soo jeediyey inuu is casilo.

Qoraalkaasi oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan.

“Kibirka iyo kalitalisnimada Muuse Biixi Gobollada Bari yaanay aqbalin, suuragal maaha bandooda iyo cabudhinta Millatari ee Saddexda bilood la dul-dhigay. Xilka qaranka KULMIYE ayaa dayacay, aminga, dawladimada, caddaalada iyo sinnaanta shacabka iyagaa ku fashilmay hays casilaan, Muuse Biixi khibrad aan ahayn qabayaald, qoqob, dumin iyo dagaallo sokeeye ma hayo! Waa in heeryada dulmiga layska rogaa oo bulshada Somailand baraarugtaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this