Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka madaxda sare ee Al-Shabab oo xoogeystay iyo xubno badan oo isaga soo baxay kooxda

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimadda Online) – Inka yar 24 saac gudahooda  ayaa waxaa gobalada dalka iska soo dhiibay Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo markii hore ka barbar dagaalamayay Al-Shabaab.

Gobalada ay Saraakiisha iyo Dagaalamayaasha iska soo dhiibeen ayaa waxaa ka mid ah Gobalada Hiiraan iyo Gedo.

Xubnaha isa soo dhiibay ayaa waxaa qeyb ka ah Ku xigeenkii Madaxa Dacwada Al-Shabaab ee Gobalka Gedo Cabdi Wahaab Axmed Maxamed, sidoo kale labo dagaalame ayaa iska soo dhiibay degmada Doolow ee Gobalka Gedo, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud.

“Degmada Doolow ee Gobolla Gedo waxaa iska soo dhiibay labadan nin oo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab gaar ahaan qeybtooda Jabhadaha loo yaqaan, waxaa lagu kala magaacaa Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud ragaan iyo laba qori oo A-K47 ah oo ay wateen oo ay la soo goosteen waxaa gacanta ku haya ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ee Gobolka Gedo gaar ahaan kuwa ka hawlgala Degmadda Doolow ragan waxaa lagu sameyn doona dhaqan cellin” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Nabadsugidda Jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay iska soo dhiibeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka hiiraan.

Waxaana sii kordhaya  xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada Xoogga dalka,kadib markii ay ciidamada Militariga Soomaaliya ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalada dalka.

Saraakiisha iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab ee isasa soo dhiibaya ayaa waxaa la filayaa in la keeno magaalada Muqdisho, iyadoona ilaa iyo hada aan la ogeyn sababta keentay in ay isasa soo dhiibaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka falanqeeyaha arimaha Amniga ayaa sheegaya in sababta ugu badan ee ay Al-Shabaab ay isku soo dhiibayaan ay tahay kadib markii ay kordhen duqeymaha ay diyaaradaha mareykanka ka fulinayaan Gobalada dalka oo ay joogaan xubnaha Al-Shabaab.

Sidoo kale sababta keentay inay isisoo dhiibaan Saraakiisha iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu micneeyey khilaaf xoogan uu u dhexeeya saraakiisha iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab, iyadoona saameynta laga dareemayo Deegaanada ay ka maamulaan gobalada dalka.

Labadaas arrin oo is biirsaday ayaa sababatay inay Al-Shabaab galaan xaalad kala carar ah iyo is aaminaad la’aan soo kala dhex gashay waxaana soo dhaweyn fiican u sameysay Dowladda Soomaaliya oo iyada dooneyso inay kooxdaan burburto.

beledweyne.jpg D-1.jpg B.jpg A.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this