Deeq A. Posted May 1, 2019 Garbahaarey (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah G/Gedo Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen Tuulooyinka Libaaxlow, Shabeelow, Kurtuun Dhooble iyo War Cade oo dhammaan hoostaga degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyntani lala beegsaday xarumo Al Shabaab ay ku leeyihiin halkaasi. Lama oga heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites