Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Duqeyntan ayaa waxay diyaaradahan la eegteen deegaanno hoostaga degmooyinka Garbahaarey iyo Cadalle ee gobolkaasi, waxaana halkaa ku sugnaa xubno ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in diyaaradahan meelaha ay duqeeyeen ay kala yihiin Warcaddey, Kurtun Dhooble iyoLibaaxlow.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay duqeyntan, iyadoo dhanka kalena aan la ogeyn diyaaradaha duqeyntan fuliyey dalka laga leeyahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this