Deeq A. Posted May 1, 2019 Bariire (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bariire oo qiyaastii 65 KM galbeed ka xiga magaalada Muqdisho Ciidamada oo dagaal xoogan ku qaaday deegaankaasi ayaa gabi ahaan ka saaray Xarakada Al Shabaab. Taliyaha Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa xaqiijiyay la wareegitaanka Bariire, waxaana uu tilmaamay in haatan Ciidamada dowladdu baaritaano ay ka wadaan gudaha deegaankaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamadu ay ku sii siqayaan deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in Ciidamadu ay hadda kaabiga ku hayaan degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda aya kordhiyay howlgallada ka dhanka aha Al Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites