Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (SMN) – Illaa lix xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa maanta siyaabo kala duwan isugu soo dhiibay Ciidamada dowladda federaalkas Soomaaliya.

Xunahan ayaa waxaa ku jira labo sarkaal oo iska soo dhiibay gobolka Gedo, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan kuwa Milatariga Soomaliya oo ka howlgal degmada Doolow ee gobolkaasi.

Magacyada saraakiishaasi ayaa lagu kala sheegay Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud

Sidoo kale saraakiisha Ciidamada dowladda aya intaasi ku daray in xubnahani ay la soo goosteen hubkoodii.

Labo sarkaal oo kale oo ka tirsan Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay  isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda ee ku sugan degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere ee isla gobolka Gedo, inkastoo aan la shaacin magacyada raggaasi.

Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaliya ayaa ku warramaya in labo ka tirsanaa Al Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada nabad sugida dowladda ee ka howgala gobolkaasi.

Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Cabdinaasir Maxamed iyo Cali Dhuux Maxamed.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan xubnahaasi la sheegay in AY ka soo goosteen dhankooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this